Australia: Rag loo maxkamadaynayo in ay weerareen masaajid

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Saddex nin ayaa maxkamad la oo soo taagay in ay gaysteen dambiyo argagixiso ka dib markii lagu eedeeyay in ay gubeen masaajid ku yaalla magaalada Melbourne.

Labada weerar ee lagu eedeeyay in ay ka gaysteen magaalada ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun ay leeyihiin Shiicada, arrintaas ayaana la sheegay in ay dhiirigalisay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, sida ay booliiska dalkaasi sheegeen.

Qofna waxba kuma noqonin dababkaas oo kala dhacay bilihii Nofembar iyo Disembar ee sannadkii hore.

Booliiska faderaalka Australia ee magaciisa loo soo gaabiyo (AFP) ayaa sheegay in hadafka weerarradaasi ay ahaayeen in loogu cagajugleeyo dadka masaajidka ku tukada iyo guud ahaan bulshada Muslimiinta ah.

“Ma dhahayno dab ayay masaajid qabadsiiyeen oo kali ah” ayuu yiri McCartney oo ah taliye ku xigeenka booliiska oo Axaddii hadlay.

“Waxaan ku eedayn doonaa in weerarradani ay ahaayeen kuwo ay ka dambaysay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. iyaga ayaa dhiirigaliyay waxayna ugu talagaleen in ay ku cabsigaliyaan qayb gaar ah oo ka mid ah bulshada”.

Labo ka mid ah raggaas oo da’dooda lagu sheegay 25 iyo 27 ayaa lagu soo oogay in ay dab qabadsiiyeen Xarunta Islaamka ee Cali, halka nin kale oo 29 jir ahna lagu soo oogay dhacdadii kale ee bishii Disembar. Arrimo qawaaniinka la xiriira dartood ayaanan magacyadooda loo sheegi karin.

Booliiska ayaa raggan laga shakisan yahay ku eedeeyay in “taabacsan yihiin aragti xagjir ah oo Sunni ah.

Saddexdan nin waxaa maxkamadda Melbourne la soo taagay ammin dambe oo Isniintii ah.Dhagaysiga dacwadda ayaa laga sheegay in loo baahan yahay in la turjumo waxyaabo badan oo af ajnabi ah ku qoran, waxaana dacwadda dib dib loo billaabi doonaa 27 Nofembar.

Haddii lagu helo dambiyadaas waxay mutaysan karaan xabsi cimrigaa haku furto ah.

 

Xigasho: BBC