Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in maanta mar kale dagaal culus oo ku bilaawaday deegaankaasi.
Dagaalka ayaa daba jooga dagaalo mudooyinkii la soo dhaafay halkaasi ku dhax marayay Ahlusunna iyo Ciidamo Beeleed, waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Lama oga inta ay gaarsiisan tahay tirada dhimashada iyo dhaawaca waxaana wali socda dagaal culus sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dhanka kale Dagaalka Maanta ka socda Xeraale ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta uu baaqday wada-hadal la filayay in deegaanka Mareer guur ku dhaxmaro Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.
Sida ay sheegayaan Saraakiisha Madaxtooyada Galmudug Ahlu-sunna ayaa ku qayb santay in wada-hadal lala Furo Galmudug waxayna Codsadeen in kulanka dib luugu dhigo waxaana suragal ah in biri ay is hor fariistaan Labada dhinac.
Warkaan wixii kusoo kordha kale wararkeena danbe insha Allah
Ceelhuur.com