Dhageyso:- Jubbaland Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Duqeyn Saaka Ka Dhacday Ceel-Cadde

Wararka Maanta

Mas,uuliyiinta xaga Amaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay Faah faahino dheeraad ah ay ka baxiyeen Duqeymo diyaaradeed oo waaberigii saaka diyaarado ay ka geysteen deegaanka Ceelcade oo ka tirsan Gobolka Gedo,islamarkaana ka mid ah deegaanada ay maamulaan Alshabaab.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga Jubbaland oo War-Baahinta La hadlay ayaa sheegay Duqeynta Diyaaradaha in ay khasaaro ka soo gaartey xarumo  ay ku sugnaayeen  Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Waxa Uu Xusay In Duqeyntii Todobaadkii Hore Ka Dhacday Ceel-cadde Ay Ku Dhinteen Laba Sarkaal Oo ka Mid ahaa Saraakiisha Sar Sare Ee Al-shabaab Sida Uu Sheegay Wasiiru Dawlaha Amniga Jubbaland.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaaasi ka dhacdey deegaanka Ceelcade oo markii labaad muddo todobaad ah lala eegtay,balse dadka deegaanka ayaa sheegaya duqeyntan u dambeysay in ay ku bur bureen Dhismayayaal ku yaaley Ceel cade.

Bilahii ugu dambeeyey  diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareykanka iyo Kenya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyey deegaano badan oo ka kala tirsan Gobolada Jubbooyinka ee  Koonfurta Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru Dawlaha Amniga Jubbaland Max’ed cabdi Kaliil:-