Maydka Wasiirkii Dastuurka Somalia oo Maanta Aas Qaran loo Samaynayo

Wararka Maanta

Meydka Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh  Jibriil ee dhawaan ku geeriyooday Magaalada Abu Dabia ee wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta la keeno  Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa shalay waxa ay xaiqijiyeen in isla Maanta meydka Wasiirka Aas Qaran loogu sameynayo Magalada muqdisho,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayay in uu safar ku tago Magalada Kismaayo ayaa dib ugu dhigay sababo la xiriira in uu ka qeyb galo Aaska meydka Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ee dhawaan geeriyooday.

Madax kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeybgeli doonaan aaska,waxaana Magalada Muqdisho laga dareemayaa qaban qaabada Aaska Wasiirkii Dastuurka, iyada oo loo sameeyey Guddi qaban qaabiya Aaska oo laga soo xulay Xubnaha golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga qaban qaabada Aaska ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana kaloo ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.