Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaama ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal oo Saaxiibtinimo iyo Walaaltinmo ay ka dhaxeyso iyo arrim kale.
Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo Qibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.
Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay ka gacan siin doonta Soomaaliya taageero ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.
Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay dawladda Turkiga in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.
Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta.
Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.