Sawirro:Faah faahino laga helayo gaari ku qarxay Ex Control Afgooye

Wararka Maanta

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Gaari Walxaha Qarxa siday oo ay qabteen Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku Qarxay Ex Control Afgooye. sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Gaarigan ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka ammaanka Degmada Deyniile, kadib markii ay ka war heleen in uu siday Qarax, intaasi kadibna uu Qarxay Gaariga.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay Gaarigan in ay ku raadjoogeen Hay’adaha ammaanka, maadaama saakay hore raggii Gaarigan saarnaa ay Degmada Boondheere ku soo dhaawaceen Saddex Askari.
Sidoo kale C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay Qaraxan in ay ku dhaawacmeen ilaa Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Gaarigan ayaa la qabtay kadib markii uu bacaad ku galay Wadada dhanka Afgooye Muqdisho ka soo gasha ee Ex Control Afgooye, sidaasina ruuxii waday uu kaga degay.

Sawirro kala duwan ayaa laga soo qaaday Gaariga inta uusan Qarxin iyo kadib markii uu Qarxay, waxaana Gaariga nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada.

Qarax-4-2-300x169Qarax-1-1-300x169 Qarax-2-2-300x169