Daawo: Shirka Nabadda Hobyo oo beri furmaya

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa ku qulqulaya Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug wufuud ka kala yimid meelo kala duwan, waxaana maanta halkaas gaaray siyaasiyiin iyo odoyaal dhaqan ka qeybgalaya shirkaas.

Masuuliyiinta halkaas gaaray waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Tiiceey iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Shaati cadde, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Beri ayaa waxaa Hobyo tagaya Xildhibaanada Federaalka ku matala Beesha Habargidir, waxaana la qorsheeyey in beri uu furmo shirka.

Afhayeenka Shirka Nabadda Hobyo Cabdullaahi Salaad Yarow oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in shirku beri furmi doono. halkaan ka daawo.