Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kormeeray ciidamo Boolis ah oo tababar uga socdo magaalada Cadaado deeq xoolo ahna gaarsiiyay .
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kormeerka uu maanta ku tagay xerada lagu tababarayo ciidamada Booliska Galmudug ayaa waxaa ku wehliyay Gudoomiye kuxegeenka gobolka banaadir saraakiil ka tirsan Booliska iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa tababarayaasha ka dhagaystay warbixin ku aadan xaalada ciidamadan, waxaana uu ugu deeqay 2-neef oo Geel ah ciidamada tababarka ku jira.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii argagixiso ee saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in loo baahanyahay fikirka xagjirka ah in loola dagalamo si qoto dheer. Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Cadaado kulamo kula lahaa waxgaradka degmada.
Comments are closed.