Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaangeliyay xisbiyo cusub (Sawirro)

Wararka Maanta

Munaasabad ka dhacday maanta xarunta Guddiga Doorashada ayaa 7 xisbi siyaasadeed shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah lagu guddoonsiiyay.

Xisbiyadan oo soo buuxiyey shuruudaha diiwaan gelinta KMG ah ee ku cad xeerarka iyo hab-raacyada diiwaan gelinta xisbiyada Siyaasadda ayaa waxay ku biirayaan 15 xisbi oo horay loo diiwaan geliyay.

Xisbiyada maanta sida KMG ah loo diiwaa geliyay ayaa kala ah:-

1.  Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
2.  Xisbiga Xorriyadda Soomaaliyeed
3.  Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
4.  Xisbiga Midnimo Qaran
5.  Xisbiga Dalka iyo Dadka
6.  Xisbiga Isbaheysiga Isbedeldoonka Soomaaliyeed ee XIIS
7.  Xisbiga Ileys