Daawo Sawirro: Wariyaha Al-Jazeera oo Sawirro ka soo qaaday Xero ay ku tababartaan Al-Shabaab

Wararka Maanta

Ururka Alshabaab oo la dagaalamaya dowlada federalka iyo ciidamada taageera ee AMISOM ayaa dhowaan waxa ay la wareegayeen deegaano ka mid ah gobolada dalka kadib markii ay ciidamadii Ethiopianka ahaa ee halkaa joogay ay isaga baxeen.

Degmooyin ku yaal gobolada Hiiraan iyo Bakool ayaa kamid ah deegaanada ay ciidamada Ethiopia ka baxeen. Hase yeeshee waxaa dhowaan booqday deegaano kamid ah gobolada dhexe ee dalka weriye ka tirsan taleefishinka Aljazeera Xamsa Maxamed oo ah weriye Soomaaliyeed.

Balse Xamza ayaa markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa xabsiga dhigey ciidamada Nabadsugida balse markii dambe ay sii daayeen.

Saxafigan ayaa booqday xarun lagu tababaro ciidamada ururka Alshabaab, waxaana uu gaari ka qaatay Muqdisho, isagoo gaaray dhulka Al-shabaab ka taliso ee bartamaha Soomaaliya.

Inta badan Wariyeyaasha maxaliga aysan awoodin inay tagaan goobaha alshabaab ka taliyaan, culeysyo uga imaanaya dowladda iyo Shabaab qudhooda oo aan la dhacsaneyn, taas bedelkeed wariyeyaasha caalamiga ayaa ah kuwo fursado u hela, iyagoo martiqaad ka hela Alshabaab.

Haddaba daawo sawiro kamid ah sawiradii uu weriye Xamza ka soo qaaday ururka Alshabaab.

1 2

3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

Comments are closed.