Gaari lagu rasaaseeyey gobolka Mudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maleeshiyo hubeysan ay xalay rasaas ku furay gaari ay la socdeen shacab, Gaarigan ayaa lagu rasaaseeyay Tuulada Ceel Akhwaan, wuxuuna  ka yimid Gelinsoor, isagoo uu ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta lagu furay gaariga uu ku geeriyooday hal ruux, halka labo kalena ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in maleeshiyada hubeysneyd ee gaariga rasaaseeyay ay goobta ka baxsadeen.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ku raad-joogaan maleeshiyadii falkaas ka dambeysay oo ay ka baadigoobayaan deegaanada Miyiga ah oo ay u baxsadeen.

Lama oga sababta loo rasaaseeyay gaarigaas, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa falkii labaad oo noociisa ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.