Daawo: NISA oo Cadaado ku soo bandhigay Ragii dilay Amiirkii Alshabaab ee CeelGaras

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Taliska Nabad suggidda iyo Sirdoonka Qaran ayaa maanta magaalada Cadaado ku soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen in ay dileen Amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud oo magaciisa lagu sheegay Faarax Cali Raage.

Labadan nin ee maanta la soo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa CabdiQani Khaliif Nuur iyo Cabdi Naasir Cali Cabdulle, nimankan ayaa sheegay in ay ka soo baxsadeen deegaanka Ceelgaras kadib markii ay dileen Amiirkii alshabaab ee deegaankaas, waxa ayna intaas ku dareen in ay u dulqaadan waayey falalka alshabaab u geysanayaan dadka deegaankaas.

hadaba halkaan ka daawo muuqaalka oo faafaahsan.

 

 

Tagged

Comments are closed.