Daafaca Real Madrid Marcelo Oo Ku Maqnaan Doona Dhaawac Muruqa Ah

Ciyaaraha

Marcelo ayay u badan tahay inuu seegi doono bisha soo socota ka dib markii Real Madrid ay xaqiijisay inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa intii lagu jiray guul darradii 1-0 ee kasoo gaartay Real Betis habeenkii arbacada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa la siiyay wax  ka yar 20 daqiiqo inuu ka ciyaaro Bernabeu, madaama Los Blancos ay tartiib tartiib u bilaabaneyso xilli ciyaareedka.

Madrid ayaa haatan soo saartay warbixin ay ku muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay dhaawiciisa, sida ay ku warameyso wargeyska Isboortiga ee Spain ka soo baxa .

War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Marcelo ayaa lagu sheegay in Isbitaalka Jaamacadda Sanitas La Moraleja loo qaaday, waxaana laga daaweyn doonaa muruqa.

Marcelo ayaa la filayaa inuu seego kulamada horyaalka La Liga ee ay la leeyihiin Deportivo La Coruna, Espanyol, Getafe iyo Eibar, iyo sidoo kale kulamada Champions League ee ay la leeyihiin Borussia Dortmund iyo Tottenham Hotspur.

W/Q Hafsa haji