Emre Can Oo Taam Ah Kulanka Leicester City

Ciyaaraha

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Can uu la dhibtoonaayo dhaawac yar oo soo gaaray kulankii Sabtida ee ay barbaraha 1-1 la galeen Burnley.

Xidiga ree Jarmal ayaa la filayay inuu seego kulanka isbuucaan ee ay la ciyaarayaan Foxes, iyadoo Dejan Lovren iyo Joel Matip ay sidoo kale u muuqanayaan inay ka ciyaaraan King Power Stadium.

Laakiin labada ciyaaryahanba labadoodaba ayaa tababarka seegay galabnimadii Khamiista, Can ayaa sidoo kale waxaa loo sheegay inay waajib ku tahay inuu ka garab ciyaaro saaxiibadiisa Reds.

Philippe Coutinho, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino, waxaa laga yaabaa in ay ku soo laabtaan line-upka kooxda.

W/Q Hafsa haji