Ururka Daacish qaybtiisa Buuraha Galgala ee Bariga Somaliya ayaa soo duubay muuqaal ay ku hanjabayaan in ay weerari doonaan goobaha dadweynaha iyo dowladda ee Deegaannada Maamulka Puntland.
Saddex qof oo midi Soomaali yahay labana ajaanib yihiin ayaa ka muuqday Muuqaalkan oo ay ku sheegayaan in ay kordhinayaan weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya.
Mid ka mid ah labada Ajaanibta ah ee muuqaalkan ku jira waxaa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya,waxaana lagu magacaabaa Abuu Zubeyr Al-Xabashi.
Daacish waxa ay sheegaysaa in ay kordhineyso hawlgallada ay ka fuliso Gobollada Puntland,islamarkaana ay beegsan doonto meelaha muhiimka ah sida meelaha ay dadka isugu soo baxaan.
Daacish ayaa awood badan ku laheyn Somaliya marka la eego weerarada ay ka gaystaan deeganada Puntland.