Kulan lagu ansixin lahaa Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo baaqday

Wararka Maanta

Kulankii aan caadiga aheyn ee ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kooram la’aan u baaqday, iyadoo lagu waday in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Waare.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ka sokow kooram la’aanta uu u baaqday kulanka ayaa waxaa wehliyay muran iyo dood ka taagnaa xuquuqda Xildhibaanada oo aan muddo 7 bil wax mushaar ah qaadan.

Xildhibaanada ayaa loo balan qaaday in la siinayo mushaarka labo bilood, inkastoo qaarkood ay diideen, ayna dalbadeen in dhamaan inta bil ee ka maqan la siiyo.

Intaas kaddib ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka codsaday in la furo Kulanka, si loo ansixiyo Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa buuxsami waayay kooramkii loogu tala galay inuu kulanka ku furmo.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo lagu qancinayo Xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood oo ay ku jirto bilihii u dambeeyay ee uu xilka hayay Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulka ugu yar maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa u muuqda mid aan saldhigan, marka loo eego khibrad yarida iyo waayo aragnimada la’aanta Xildhibaanada baarlamaanka ayaa mar walba horseed u ah is qab qabsiga ku saleysan dhanka siyaasada ee maamulka dhexdiisa ka jira.