Kiiska C/raxmaan C/Shakuur oo dib loo furayo

Wararka Maanta

Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir ayaa dib u fureysay kiiska C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo muddo u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku sii deysay, isla markaana ku caddeysay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin, hase ahaatee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku adkeystay inuu racfaan ka qaato xukunkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha December oo ku beegan maalinta berri bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto

Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.

Hey’addah garsoorka ayaa ah kuwo xilligan ku kala qeybsan kiiska C/raxmaan C/shakuur oo 17-kii bishan howl gal ay fuliyeen Ciidamada Ammaanka ku qaadeen gurigiisa, kuna dileen Ilaaladiisa, waxaana Maxkamadda Gobolka Banaadir ay 21-kii bishan sii deysay C/raxmaan C/shakuur, iyadoo ku tilmaamtay falkii lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur iyo weerarkii lagu qaaday gurigiisa uu ahaa mid sharciga baal marsan, isla markaana aan wax ogolaansho Maxkamadeed laga qaadan.

Kiiska C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waji cusub yeelanay, isagoo dhowaan ku dhawaaqay inuu isna dacwad ku furi doono dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay ilaaladiisa, isla markaana ay aheyd mid la doonayay in isaga lagu khaarijiyo