Shacabka Turkiga oo u dareeray goobaha Doorashada (Warbixin)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Muwaadiniinta Turkiga ayaa maanta oo Axad ah u dareeray Codbixinta Doorashada waqtigeeda laga soo hormariyey ee Barlamaanka iyo Madaxweynaha Dalkaasi, Doorashadaan ayaa dalka ka dhigi doonto Nidaamka Madaxweynaha sida dalka Maraykanka, waxa uuna Turkigu ka guurayaa nidaamkii hore oo ahaa mid Barlamaani , oo Barlamaanku Madaxweynaha Dooranayey.

Dad gaaraya 56.3 Malyuun ayaa codeynaya, waxaana gobolada Dalka Turkiga la dhigay ilaa 180 Kun oo sanaadiiqda codbixinta. dadka ayaa aroor hore safaf u galay sidii ay u dhiiban lahaayeen codkooda.

Ciidamada ayaa adkeeyey ammaanka dalka guud ahaan, waxayna maalmihii la soo dhaafay ciidamadu xireen kumanaan ruux oo ay ku tuhmayaan in ay ka tirsan kooxaha weerarada ka geysta gudaha Turkiga, sida Daacish iyo garabka hubeysan ee xisbigay shaqaalaha Kurdistaan.

Kursiga Madaxweynaha ayaa waxa ku loolamaya ilaa 6 Musharax oo kala

1. Rajab Dayib Erdogan

Wuxuu u tartamayaa xisbiga AK Party [ isbaheysiga Shacabka]

2. Muharrem İnce 

Wuxuu u tartamayaa Xisbiga CHP wuxuuna isbahaysi la yahay xisbiga Erdogan

3. Meral AkÅŸener

Waxa ay u tartamaysaa xisbiga İYİ Party, waxayna isbahaysi la tahay xisbiga Erdogan

4. Selahattin DemirtaÅŸ

Wuxuu u tartamayaa xisbiga HDP , wuxuu mucaarad ku yahay xisbiga Erdogan

5. Temel KaramollaoÄŸlu

Wuxuu u tartamayaa Xisbiga Saadet wuxuuna isbahaysi la yahay xisbiga Erdogan

6. Doğu Perinçek

Wuxuu u tartamayaa xisbiga Vatan , wuxuu mucaarad ku yahay xisbiga Erdogan

Natiijada Horudhac ah ayaa la shaacin doonaa caawa, Haddii Musharax helo 50 % codadka la dhiibtay, waxa uu noqonayaa Madaxweynaha dalka, laakiin hadii ay taasi i dhici wayso, waxaa jiri doona wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha, waxa ayna dhici doontaa 7 Bisha July 2018.

Erdogan haddii uu ku guuleysto doorashadan, waxa ay sii doonta awoodo dheeraad ah, wuxuuna noqonayaa Madaxweyne shacabku soo doortay. dalka reer galbeedka ayaa aad uga soo horjeeda in doorashada uu ku soo baxo Erdogan.