Madaxwayne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxda Maamulada iyo Guddiyada dib u eegista Dastuurka

Wararka Maanta

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Shir Guddoomiyay kulan looga hadlaayay arrimaha Dastuurka oo xalay lagu qabtay Madaxtooyadda Somaliya.

Kulanka ayaa waxaa isugu yimid Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira madaxda dowladda iyo Guddiyada dib u eegista Dastuurka Somaliya ee labada aqal ee dalka.

Madaxweynaha Somaliya oo kulanka daahfuray ayaa wuxuu sheegay dowladda inay ahmiyad gaar ah siinayso arrimaha Dastuurka Somaliya, si Somaliya ay u yeelato Dastuur sax ah.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa isbartay Madaxda dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo Guddiyada Dib u eegista Dastuurka Somaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

Kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday si wanaagsan, kadib isbarashadii iyo isfahankii dhexmaray madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Madaxda dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa dhawaan waxa ay soo jeediyeen in la hakiyo hawlaha ku aadan dib u eegista Dastuurka Somaliya, inkastoo markii dambe laga heshiiyay.