Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Ninkii waday gaari ku qarxay Suuqa Beerta -Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

fb_img_1480233386888-1

Ciidamada Amaanka ayay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan ninkii waday gaari caasi ah oo shalay ku qarxay suuqa beerta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa ninkaan qabtay intii uusan gaarigu qarxin, ninkan ayaa lug naafo ka ahaa, waxaana qaraxa ku nafwaayey ilaa 28 ruux oo shacab  u badan kuwaas oo suuqa ku ganacsanayey, ninkaan ciidanku qabteen ayaa ciidanka geeyey garaash ku yaal xaafada Black sea ee degmada Hodan, halkaas oo uu sheegay qaraxa lagu soo maleegay, waxaana ciidanku goobtaas kasoo xireen shaqaalihii garaashka

fb_img_1480233381587fb_img_1480233386888

Comments are closed.