Dib u dhac ku yimid doorashadii la filayey inay maanta ka dhacdo Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Cadaado ka socday doorashada kuraasta aqalka hoose barlamaanka u matalaya dowlad goboleedka Galmudug, ilaa hadda waxaa la doortay 23 kursi oo 4 kamid ah suurtagal tahay in dib loogu laabto.

Waxaa haray 13 kursi oo la filayey in qaar ka mid ah maanta la doorto, waxaana dib u dhacay doorashadaas, waxaana ilo xog-ogaal inoo xaqiijiyeen in maalinimada beri ah la dooranayo ilaa 7 kursi.

Doorashada kuraasta haray ayaa waxaa ka taagan khilaaf ba’an, waxaana ugu adag kuraasta ay ku loolamayaan : Fiqi Vs Xaaf, Caasho Xaaji Vs Abtidoon yare, Sh. C/qaadir Vs Saabir.

Doorashada ayaa u muuqata mid gaabis ah, waxaana la qorsheynayaa in todobaadkan lagu soo afmeero.

Comments are closed.