Liverpool Oo Bisha January Suuqa Dhigaysa Mamadou Sakho

Ciyaaraha

p161023-010-liverpool_u23_everton_u23-e1477225496941

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay iska iibiso Mamadou Sakho marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo .

Daafaca Faransiiska ayaa safarka ka horee xili ciyaareedka laga soo diray kadib hab dhaqankiisa oo xuma ,  isaga oo tan iyo maarkaa ka maqnaa kooxda koowaad.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda ka dhisan Merseyside ayaa dooneysa inay dhegeysato dalabyada u imaanaya Sakho marka uu suuqa kala iibsiga dib u furmo xilliga qaboobaha.

Sakho ayaa tababar la qaadanayay kooxda 23 jirada.

Comments are closed.