Cesc Fabregas Ma Isaga Tagayaa Kooxdiisa Bisha Janaayo?

Ciyaaraha

cesc-fabregas

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in Cesc Fabregas uu ka tegi karo Stamford Bridge marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Horaantii todobaadkan, waxaa la sheegay in Fabregas – uu yahay mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan kooxda  – waxaana loo ogolaan doono in uu helo koox cusub.

Si kastaba ha ahaatee, ka hor kulanka Chelsea ay la ciyaarayso Everton isbuucaan, Conte ayaa sheegay in ciyaaryahanka reer Spain uu weli xubin la qameeyo ka yahay kooxdiisa.

 

Fabregas ma  ciyaari doono kulanka Toffees ka dib markii  uu tababarka kusoo laabtay Isbuucaan.

 

W\D Hafsa Haaji

Comments are closed.