
Andre Gomes ayaa lagu qasbay in uu isaga baxo xulka Portugal, iyadoo kooxda Barcelona ay xaqiijisay inuu jiro dhaawac fudud.
Ciyaaryahanka khadka dhexe Gomes ayaa ka tagay xerada tababarka Portugal ka dib markii uu dhaawac muruqa lugta midig soo gaaray intii lagu jiray ciyaartii khamiista 5-0 eeciy saaxiibtinimo kaga badiyeen Gibraltar.
Barca waxa uu kaga soo biiray Valencia xilli dhow, dhaawacan ayaa yimid isla maalintii uu Lionel Messi isaga baxay isreebreebka soo socda ee xulkiisa Argentina la ciyaarayaan Venezuela taasi oo sabab u ah dhibaato dhaawac.
Gomes ayaa seegi doona xulka heysata horyaalka Yurub ‘furitaanka 2018 isreebreebka koobka adduunka ee ciyaarta xulka Switzerland talaadada iyadoo ay sabab u tahay dhaawacaan , laakiin Barcelona ayaa soo jeedisay in muddo gaaban uu ku maqnaanaayo.