Xaflada Qalinjabinta Ardayda Dugsiga Sare Hayaan-Cadaado (Sawirro)

Xaflad si weyn loo soo agaasimaay oo ay ku qalinjabinayaa 39 arday oo dhameystay Waxbarashada Dugsiga Sare Hayaan Cadaado iyo 17 Arday oo dhameeyey koorso caafimaad ayaa xalay lagu qabtay Hotel Central Magalaada Cadaado. Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey, Qurbojoog, Maamulka Degmada iyo marti sharaf kale. Maamulaha […]

Continue Reading

Arday Soomaali ah oo heley Deeq Waxbrasho Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka (Sawirro)

Sanad walba xilligan oo kale waxaa Magaalada Columbus Ohio ee Dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay Ardayda dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo kulliyadaha kala geddisan ee Gobolka Ohio. Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 Sano ah Hay’adda SomaliCAN, […]

Continue Reading

Jaamacadda Geeska Afrika oo Kulan Wacyigalin ah u qabatay Ardayda Cadaado (Sawirro)

Jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda Magaalada Cadaado ayaa kulan wacyigalin ah u qabtay ardayda dhameysay dugsiyada Sare ee ku nool magaalada Cadaado. Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin jaamcadda, arday iyo marti sharaf. waxaana qaar ka mid ah Macalimiinta ardayda u sharaxeen habka doorashada kuliyada jaamacadda, iyo qeybaha ay ka heli karaan jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo Daahfuray Manhajka Mideysan ee Dugsiyada Hoose Dalka (Sawirro)

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Manhajka Mideysan ee dugsiga hoose Dalka, Manhajkaan ayaa ka kooban buugta fasalka koowaad ilaa fasalka afaraad, waana manhajkii ugu horeeyey ee Dugsiga Hoose ee Dowlada Soomaaliya soo saarto tan iyo burburkii Soomaaliya. Munaasabadda ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya Mudane […]

Continue Reading

Jaamacadda SIU oo Tababar u qabatay Ardayda ka qalinjabiyey Dugsiyada Sare Cadaado (Sawirro)

Xubno ka socday Jaamacadda Caalimiga Soomaaliya (Somali International University SIU ) ayaa magaalada Cadaado tababar ugu qabtay Ardayda sanadkaan ka qalinjabiyey Dugsiyada Sare Cadaado. Tababarkan ayaa ardayda loogu sharaxay kuliyadaha Jaamacadda SIU, iyo habka xulashada kuliyadaha. Sidoo kale ardayda ayaa halkaa ku daawaday muuqaal sharaxaya sida ay jaamacadda SIU ugu heelan tahay waxbarashada bulshada Soomaaliyeed. […]

Continue Reading

Dufcadii 1-aad oo ka Qalinjabiyey Jaamacadda Geeska Afrika Xarunta Cadaado (Sawirro)

Jaamacadda Geeska Afrika qeybteeda Magaalada Cadaado ayaa shalay waxaa ka bilowday difaacashada Buugga Qalinjabinta Dufacadii koowaad ee dhameysa Public Adminstration. Ardaydan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey oo Jaamacad uga baxa Magaalada Cadaado, waxaana tiradoodu gaaraysaa 15 Arday. waxayna usoo dhabar adeygeen 4 sano oo waxbarasho. iyagoo buugta ay ku qalinjabiyeen xoogga ku saaray cilmi baarisyo […]

Continue Reading

Sh. Shaakir oo Daah furay Imitxaanka Dugsiyada Sare Galmudug (Sawirro)

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Magaalada Dusmareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ka daahfuray imtixaanka mideysan ee Dugsiyada Sare. Imitixaanka ayaa waxaa qaadistiisa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Dhexe, koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa imtixaanka u fariisanaya 27600 Arday, Gobolka Banaadir kaliya ayaa waxaa imtixaanka […]

Continue Reading

Daawo: Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo ka hadashay Jadwalka Imtixaanka

Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowlad goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan imtixaanka Dugsiyada deegaanada Galmudug. Wasiirka ayaa fariin u diray Maamulayaasha iyo Arday dugsiga Waxbarashada, sidoo kale waxa uu ka hadlay jadwalka imtixaanada sanadka 2018. halkaan ka daawo. La […]

Continue Reading

Akhriso: Jadwalka Imtixaanka Dugsiyada Sare Dalka

Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay Jadwalka Imtixaanka Mideysan ee dugsiyad Sare oo bilaabanaya 19 Maajo, isagoo la soo gabangabeynaayo 23 Maajo 2018. Ardayda koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa galaya laba imtixaan oo ay kala qaadayaan Dowladda Soomaaliya iyo Daladaha ay Dugsiyadu ka tirsan yihiin, taas oo ardayga laga qaadayo laba lacagood, iyo laba shahaado. Hadaba […]

Continue Reading