Jaamacadda Geeska Afrika qeybteeda Magaalada Cadaado ayaa shalay waxaa ka bilowday difaacashada Buugga Qalinjabinta Dufacadii koowaad ee dhameysa Public Adminstration.
Ardaydan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey oo Jaamacad uga baxa Magaalada Cadaado, waxaana tiradoodu gaaraysaa 15 Arday. waxayna usoo dhabar adeygeen 4 sano oo waxbarasho. iyagoo buugta ay ku qalinjabiyeen xoogga ku saaray cilmi baarisyo kala duwan ee deegaanada Galmudug.
Ardayda Qalin jabiyey ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug, iyo masuuliyiin kale oo maamulka iyo hay’adaha u shaqeeya. Waxaana muuqata Bulshada Cadaado markaan xoogga saarayaan waxbarashada. Sidoo kale Waxaa ka jira Magaalada Jaamacado kale oo iyana la filayo in dhawaan ka qalin jabiyaan arday kale.