Sh. Shaakir oo Daah furay Imitxaanka Dugsiyada Sare Galmudug (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Magaalada Dusmareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ka daahfuray imtixaanka mideysan ee Dugsiyada Sare.

Imitixaanka ayaa waxaa qaadistiisa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Dhexe, koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa imtixaanka u fariisanaya 27600 Arday, Gobolka Banaadir kaliya ayaa waxaa imtixaanka ku galaya 21000 Arday, halka Galmudug ay 1216 Arday u fadhiisanayaan imtixaanka.

Deegaanada Galmudug imtixaanka ayaa ka bilowday Magaalooyinka Dusmareeb, Cadaado, Cabudwaaq, Galkacyo iyo Guriceel.