Xaaf ma wuxuu markale damciyay awoodii uu bilo kahor wareejiyay

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in wixii hadda ka dambeeya in Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay keligeed qabato howsha dhismaha Maamulka Galmudug, isagoo dalbaday inay ka wada shaqeeyaan howlaha haatan horyaalla. Khudbad uu xalay ka jeediyay Munaasabadda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayuu […]

Continue Reading

War-Murtiyeed: Shirweynaha Dib-u-Hshiisiinta Galmudug

War-Murtiyeed Shirweynaha Dib-u-Hshiisiinta Galmudug 16ka September 2019 BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug iyo ergooyinkii shirka ka soo qeybgalay oo ay hoggaaminyaan duubaabka dhaqanka ee beelaha Galmudug, waxa ay si weyn ugu faraxsanyihiin in ay si habboon ugu qabsoommeen kulammadii hordhaca ahaa ee xallinta khilaafaadka (17kii August […]

Continue Reading

Musharax Odowaa oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Musharax Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug. Musharax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey xildhibaano federaal ah, masuyliyiin kale iyo shacab farabadan. Dhanka kale musharaxa ayaa qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Dhuusamareeb kula hadlay garoonka […]

Continue Reading

Beesha caalamka oo rajo ka qabta miro dhalka shirka dib u heshiisiinta galmudug

Kooxda la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya sida African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Sweden, United Kingdom, United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) iyo United States ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka […]

Continue Reading

Sahan la sameeyay oo odowaa kadhigay madaxwaynaha galmudug

buukar Al-Badri oo ka mid ah Wariyeyaasha iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay codeyn sahan aheyd oo uu ka sameeyay taageerada bulsho ee ay kala heystaan Mas’uuliyiinta kala ah Wasiir Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Xildhibaan C/Raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cadcad xilka Madaxweynaha Galmudug.   Labadan mas’uul ayaa la […]

Continue Reading

Mugabe oo da’da 95sano ku geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa geeriyooday isagoo 95 sano jir, kadib markii uu muddo xanuunsanaa. Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano. Mugabe ayaa dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo yiqiin Rhodesia, waxana […]

Continue Reading

Dowladda oo Xamar ka qaaday Ergadii beesha Saleebaan

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya diyaarad ku geysay ergo ka socota beesha Saleebaan. Ergadan ayaa waxa ay ka qaybgalayaan shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee dhawaan ka furmaya magaalada dhuusamareb. wararka ay ceelhuur online ka helayso dhuusamareeb ayaa sheegaya in ergadaan diyaarado looga soo daabulay magaalada muqdisho balse […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa xalay shir Albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Masuuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Shirkan oo bilowday fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa dhinaca Dowladda ku matalayey wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow. Dhinaca Ahlu Sunna waxaa ku […]

Continue Reading

Dhuusamareeb:Ciidanka booliska oo kala eryay banaan baxayaal taagersanaa Ahlusuna

Wararka laga helayo Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka dhaceen banaanbaxyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen qeybaha kala dwuan ee bulsahda ku nool Magalada Dhuusamareeb, Banaanbayaasha ayaa u kala qeybsanaa kuwa taageeraya howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug gaar ahaan Magalada Dhuusamareeb iyo […]

Continue Reading

Dowladda oo soo bandhigtay Heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna (Video)

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay dadweyne farabadan kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay 10 qodob oo ay horey ugu heshiiyeen Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdu dhankeeda ay fulisay qodobadii lagu heshiiyey, qaarna ay dhiman yihiin. Isagoo ku marqaati galiyey bulshada Dhuusamareeb in ay […]

Continue Reading