Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo dhiirogaliyey Ciyaartoyda Galmudug

Ciyaaraha Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay casho sharaf u sameeyey ciyaartoyda Galmudug u matalaya koobka maamul goboleedyada kaas oo dhawaan ka furmi doona magaalada muqdisho. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro, xildhibaano, Madaxda ciyaaraha iyo ciyaartoy. Waxaana ujeedadu aheyd sidii loo dhiirigalin lahaa ciyaartoyda oo ciyaar wanaag ka muujiyey kulankii sanadkii hore, halka sanadkan looga cabsi qabo inay qaadaan koobka maadaamba dib u habeyn badan lagu sameeyey.

Shaxda Ciyaaraha Maamul goboleedyada oo shalay la soo bandhigay ayaa Galmudug kulankeeda koowaad la ciyaari doonta xulka Gobolka Banaadir 11 bishan. ciyaartaas oo ah midda ugu xiisaha badan wareegga 1-aad. Ciyaartoyda Galmudug ayaa sanadkan ka niyad wanaagsan sidii hore, waxaana ay ka mid yihiin saddex xul ee loo saadaalinayo inay koobka qaadaan.

Madaxweynaha ayaa ciyaartooyda u balan qaaday in hadii ay ku guukeystaan koobka siin doono abaal Marin doono. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray in ciyaaryahankii gool dhaliya uu siinayo 300$ (sadex boqol oo doolar) kii ka caawiyayna la siin doono 200$ (Labo boqol oo doolar).