Xaaf ma wuxuu markale damciyay awoodii uu bilo kahor wareejiyay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in wixii hadda ka dambeeya in Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay keligeed qabato howsha dhismaha Maamulka Galmudug, isagoo dalbaday inay ka wada shaqeeyaan howlaha haatan horyaalla.

Khudbad uu xalay ka jeediyay Munaasabadda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayuu uga mahadceliyay dowladda Federaalka dadaalka ay sameysay iyo qaabka ay u maareysay Ahlusuna.

Waxaa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aysan marti ka noqon doonin howshooda, sharci ahaana ay xaq u leeyihiin, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha aysan keligood ku noqoneyn howsha oo ay la ogaan doonaan wax walba.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii hadda ka dambeeya Lig Liga ayaan kula heysanaa, waxaa jeclahay, Sharcigana uu dhigaayo, in iyadoo wadajir ah la sameeyo Guddiga Farsamada, maalintii la magacaabayay Guddigan hada jira Sabriye waa soo wacay, wax aa ku iri wax un aan ka wada tashino, in aan marti mar kale noqono ma rabno, caawa marti baa nahay kuligeen haddaa nahay reer Galmudug, Xildhibaanada la xulaya yeysan noqon waxa Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeero”ayuu yiri Xaaf oo u muuqday nin mar kale dib u soo ceshanayay awooddiisa.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala shaqeeyaan Guddiyada la sameynayo sida kan Farsamada iyo Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha.

“Wixii hadda ka dambeeya waxaa rabnaa anagoo Galmudug ah iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha inaan wada socono rabnaa, Guddiga la sameynayo inaan ku ogaano oo aan ka wada shaqeyno, ma rabno in aad keligiin noqotaan, ma yeeleyno, odayaasha waa isu keenteen waa mahadsan tihiin, laakiin Xildhibaanada iyo wixii kale ee la keenayo waa wada ogaaneynaa”

Axmed Ducaale Xaaf ayaa shalay bilo kaddib ku laabtay magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu magaalada uga baxay dhamaadkii bishii June khilaafkii isaga iyo Ahlusuna, waxaana wixii markaas ka dambeeyay oo uu ka degay Muqdisho ku dhawaaqay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka u wakiishay howsha Geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.