Dowladda oo soo bandhigtay Heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna (Video)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay dadweyne farabadan kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay 10 qodob oo ay horey ugu heshiiyeen Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdu dhankeeda ay fulisay qodobadii lagu heshiiyey, qaarna ay dhiman yihiin. Isagoo ku marqaati galiyey bulshada Dhuusamareeb in ay fahmaan cidda ka baxday heshiiska oo ah Ahlu Sunna, waa siduu hadalka u dhigaye.

Dhanka Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa shalay galab shaaciyey inuu burburay heshiiskii kala dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo hadalka Wasiirka.