Carlo Ancelotti Oo U Dhaqaaqaya London

Ciyaaraha

Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaqaaqayo London waxaana la soo jeedinayaa in macalinka reeTalyaani uu doonayo inuu ku laabto Premier League.

Ancelotti ayaa laga ceyriyay Bayern Munich bishii September ka dib markii uu ku bilowday bilow xun xilli ciyaareedka 2017-18.

58 jirkaan ayaa weli loo arkaa mid ka mid ah tababareyaasha ugu fiican kubada cagta Yurub, si kastaba ha ahaatee, waxa uu soo maamulay Juventus, AC Milan, Chelsea, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Bayern 18kii sano ee u danbeysay.

Sida laga soo xigtay jariirada The Sun, Ancelotti ayaa iska fasaxay hoygiisa Germany Isbuucii lasoo dhaafay, waxaana tababaraha Talyaaniga uu haatan dib ugu soo laaban doonaa London, madaama uu indhaha ku hayo inuu hogaamiyo Premier League xilli ciyaareedka 2018-19.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Arsenal ay dhamaantood indhaha ku haayaan Ancelotti, islamarkaana uu si dhaqso ah u daawan doono seddexda kooxoodba marka uu u dhaqaaqayo caasimada England.

Ancelotti ayaa Chelsea ku hogaamiyay horyaalkii 2009-10 ee Premier League iyo 2009-10 FA Cup intii lagu jiray labo sano oo uu joogay England.