Chelsea Oo Dib U Soo Celinaysa Thorgan Hazard

Ciyaaraha

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay Thorgan Hazard ku soo celiso Stamford Bridge.

24 jirkaan oo ah walaalkii  ciyaartoyda Eden and Kylian – ayaa haatan ka ciyaara Jarmalka isagoo ku biiray Borussia Monchengladbach markaas oo uu ka tagay Chelsea sannadkii 2015.

Sida laga soo xigtay jariiradda Bild, kooxda Antonio Conte ayaa weli xiiso u qabta ciyaaryahanka reer Belgium, waxaana laga yaabaa inay isku dayaan inay dib ula midoobaan xiddiga qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara.

Thorgan, oo horay u muujiyay inuu u furan yahay inuu ku laabto kubadda cagta Ingariiska, ayaa dhaliyay shan gool 13 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan Die Borussen.

Eden wuxuu noqday xubin muhiim u ah kooxda tan iyo markii uu yimid sanadkii 2012, halka walaalkii  yar ee Kylian uu kaga yimid kooxda Blues kooxda reer Hungary ee Ujpest.