Lionel Messi Oo Aan Ku Qanacsaneyn Tababare Ernesto Valverde

Ciyaaraha

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ka walwalsan yahay qaab ciyaareedka kooxda ee tababare Ernesto Valverde.

Tababaraha 53-sano jirka ah, oo horay u maamulay Valencia iyo Athletic Bilbao, ayaa ku biiray Camp Nou ka dib markii uu ka tagay Luis Enrique.

Kooxda reer Catalan ayaa leh afar dhibcood oo hogaanka horyaalka La Liga ka heysa sababtoo ah 10 kulan oo aan laga badin.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Diario Gol, Messi ayaa dhaliilsan  xeeladaha Valverde, waxaana uu ka walwalsan yahay in kooxdiisu ay waayi doonto qibradooda sababtoo ah kooxda oo aan xor aheyn kubada.

Warbixinta ayaa sheegaysa in xiddiga shan jeer ku guuleysta Ballon d’Or uusan dooneynin Barcelona inay u ciyaaraan sida Jose Mourinho, taasoo noqon karta difaac si loo helo natiijada la rabo.