Xaalada Caawa ee Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaalada Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa caawa dagan kadib markii fiidkii hore ay ka dhacday israsaaseyn kooban.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in rasaas kooban laba xilli oo isku dhow ka dhacday agagaarka xerada Inji oo xarun u ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljaamaca. Israsaaseynta ayaa u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo ciidanka Ahlu Sunna. Waxaana ka dhashay dhaawaca 2 Askari iyo 1 qof oo shacabka, Saraakiisha amniga labada dhinac ayaa wada in ay xaalada dajiyaan.

Dhanka kale magaalada Dhuusamareeb waxaa galabta gaaray Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Rw Kheyre ayaa la filayaa in maalmaha uu joogo Dhuusamareeb isku dayo inuu xal u helo caqabadaha ku horgudban dhismaha Galmudug oo soo jiitamayey muddo 6 bilood ah.