Boqol ruux oo ku geeriyooday duqeyn culus oo loo geystay Idlib iyo Xalab

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ku dhowaad boqol ruux ayaa ku geeriyooday duqeyn culus oo loo geystay magaalooyinka Idlib iyo Xalab ee ka tirsan dalka Suuriya, saacado kadib markii Mareykanka iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen qorshe xabad joojin ah.

Illaa 58 ruux ayaa ku dhintay duqeymo ay geysteen diyaarado dagaal suuq ku yaala magaalada Idlib, iyadoo duqeynta ay timid, xilli dadka isku diyaarinayeen Ciidul Adxa

Sidoo kale 45 ruux ayaa lagu dilay duqeyn kale oo ka dhacday magaalada Xalab, waxaana la duqeeyay xaafado dad rayid ah degan yihiin.

Duqeynta lagu qaaday magaalada Idlib oo ku taala waqooyi galbeed Suuriya ayaa waxaa dadka ku dhintay u badnaa Carruur iyo haween.

Xabad joojintan ayaa ah mid dhaqan galeysa maalinta Isniinta ee ku beegan berri, waxaana kooxaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay ku eedeynayaan in duqeynta ay ka dambeeyaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Comments are closed.