Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa digniin culus kasoo saartay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee hubka sharcidaradda ah ku heysta Guryahooda, Sidda uu warbaahinta u sheegay xeerilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaale Sare Cabdullaahi Buule Kamey.
Kamey waxaa uu sheegay in tilaabo laga qaadi doono Cidii lagu helo, iyadda oo sifo sharci daro ah hub culus ugu dhex heysata Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu tilmaamay in hubka dhibaatada lagu geysto uu yahay mid looga tala galay Ciidamada qalabka sidda, waxaana uu amray in si deg deg ah loo diwaangaliyo hubka iyo Gaadiidka ay leeyihiin Ciidanka.