Beelo heshiis ku kala saxiixday Degmada Matabaan (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa galabta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan heshiis ku kala saxiixday beelo horey ugu dagaalamay deegaano hoos taga degmadaas. Beelaha Habar Aji (Ceyr) iyo Cali Madaxweyne (Xawaadle) ayaa heshiiska ay saxiixdeen waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ka socotay Galmudug iyo Hirshabeelle.

Saxiixa heshiiskan ayaa yimid kadib shir dib u heshiisneyd oo muddo u socday labadaas beelood oo ku dagaalamay dhul daaqsimeed. Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirka Amniga Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan jeelle iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha degmada Matabaan Xuseen Salaad Ibraahim ayaa warbaahinta u aqriyey qodobada heshiiska, Waxaana labadan beelood ku heshiis qodobo dhowr ah, Qodobada ugu muhiimsan ayaa kala ah:

  1. Nabad waarta oo ay aqbalaan labada beelood
  2. in ay kala joogaan oo aysan dhaafi karin beel walba meesha ay ku leedahay hantida maguurtada ah.
  3. Dhul daaqsimeedka u dhaxeeya labada beelood lagama qodi karo Baraag, Bac, deegaameyn cusub IWM.

Inta badan reer guuraaga ayaa ku dagaalama dhul daaqsimeedka iyo ilaha biyaha , waxaana dhacda in dagaalada qaar muddo badan qaataan.