Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Cadaado oo la Daahfuray (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado Xarunta Barlamaanka waxaa Xalay laga daahfuray Naadiga Akhriska iyo Qoraalka degmada Cadaado, Naadigan ayaa waxaa Aasaasay 3 dhalinyaro oo ku nool Cadaado, wuxuuna hoostagi doona Madasha Akhriska iyo Qoraalka Galmudug.

Aasaasayaasha

  1. Maxamed Shariif Maxamed
  2. Maariya Maxamuud Maxamed
  3. Sharmaarke Xasan Maxamed

Ujeedaha loo aasaasay Naadigan ayaa ah kor u qaadista Aqriska iyo Qoraalka bulshada ku nool Cadaado iyo deegaanada hoos yimaada.

Daahfurka Nadigan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Madasha Akhriska iyo Qoraalka Galmudug Nasteex Aadan Cabdi, iyo xubino ka tirsanĀ  Madasha Akhriska iyo Qoraalka Galmudug Xafso cumar Boonge, Ayaan Axmed Maxamed oo ka yimid magaalada Cadubwaaq.

Xafladda Daahfurka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay masuuliyiin ka socotay Galmudug, degmada Cadaado, iyo martisharaf kale.