Sawirro: Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Maalmahii lasoo dhaafay Safar shaqo iyo mid Caafimaad ku joogay Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale safar qarsoodi ah ku tagay  dalka imaaraatka carabta, halkaas oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi.

Dhanka kale wuxuu magaalada Addis abba kula kulmay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo sanadkii hore dowladda federaalka Soomaaliya, arintaas oo wajigabax ku noqotay madaxda Sare dalka.

Sidoo kale shalay waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay xisbi mucaarad ku ah maamulka Axmed Madoobe, arintaas oo cirka ku sii shareertay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.