Dhageyso:- Waare Oo Si Cad uga Horyimid Shirarka Madaxda Maamul Goboleedyada

Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Ayaa waxa Uu Si Cad U Sheegay In Hir-shabeelle Aysan Qayb ka Aheyn Shirarka Maalmihii Dambe yeelanayeen Madaxda Maamul Goboleedyada.

Max’ed Cabdi Waare Hoggaamiyaha Hir-Shabeelle Ayaa Waxa Uu Tusaale Usoo Qaatay Shirarkii Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee xarunta Kenya.

Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay in Aysan Jirin Talo Hir-shabeelle Oo Taala Nairobi Isla-markaana Aanay Jirin Dad hir-shabeelle Ku Matalaya Shirarkaas Oo Ku Sugan Gudaha Magaalada Nairi Ee Caasimadda dalka Kenya.

Hoggaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle Max’ed cabdi Waare ayaa Dhawaan Waxa Uu Heshiis La Gaaray Dawladda faderaalka Ah Ee Soomaaliya Wallow Heshiiskaas Ay Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Ay War Kasoo saareen Isla-markaana Sheegay In Hir-shabeelle Hadda Ka Dib Aysan Xubin Ka Aheyn Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Max’ed cabdi Waare:-