Faafaahin Qarax ka dhacay Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. inta la xaqiijiyay 4 Askari ayaa ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday Gaari uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo). Qaraxa oo sida la sheegay ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Isgoyska […]

Continue Reading

Sarkaal Alshabaab ah oo lagu qabtay Muqdisho

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu shaaciya in gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacnata ku dhigeen xubin Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaatka,isla markaana ku sugnaa Degmada Shibis […]

Continue Reading

Sarkaal Alshabaab ah oo isasoo dhiibay oo la keenay Muqdisho (Sawirro)

Aadan Cabdi Turuq oo ka mid ahaa hogaamiyaasha sar sare ee Kooxda  Alshabaab iyo Darawalkisa Food Aadan Maxamuud iyo sido kale Madaxii sakawaadka Gobalka Jubbada Hoose ayaa isu soo dhiibay Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka Gedo gaar ahaana Kuwa Degmada Baardheere iyadoona saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad sugida Qaranka oo soo gaaray Magaaladan Baardheere ayaa […]

Continue Reading

Xarunta Daaweynta iyo Qalliimada Isku-furanka oo Xariga laga jaray (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka Haweenka(Fistula). Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka […]

Continue Reading

Dil ka dhacay gobolka Mudug

Faaf faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dil xalay ka dhacay Degmada Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug, ee Dowlad Goboleedka Puntland. Nin hubeysan ayaa la sheegay in Xalay dilay nin  ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha Kubada Cagta ee Degmada Galdogob oo lagu magacaabi jiray  Cadaawe Cali Aadan, kadib markii uu rasaas ku furay, isla […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo u Safray Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya […]

Continue Reading

Wasaaradda Maaliyadda oo Gaadiid ku wareejisay Maamul Goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta dhowr gaadiid ku wareejiyay qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo maamulka Gobolka Banaadir. Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaam Cumar Cismaan Eng.Yariisow iyo xuno ka socday maamulada […]

Continue Reading

Howlgalo Amni oo laga Sameeyey Muqdisho

Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, hawlgalkaasi oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinaayay. Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, halkaasi oo Ciidamada ammaanka ay ka qab qabteen tiro dhalinyaro ah. Dadka la qabtay ayaa u badnaa dhalinyaro isaga caweynaysay maqaayado […]

Continue Reading

Maamulka Jubbaland oo Amaro cusub soo saaray

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa kulan ku yeeshay guddiga amniga Jubbaland,iyagoo kulanka kadib soo saaray amaro cusub. Kulanka ayaa waxa inta uu socday waxaa looga hadlay amniga deegaanada Jubbaland,isla markaana Guddiga amniga amaro ka soo saaray gaadiidka aan sharciga lahayn. Sidoo kale Amarka ayaa waxaa kamid ah sharciga lahaanshiyaha taarikada iyo […]

Continue Reading