Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Ceelasha Biyaha

Wararka Maanta

Hayadda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya NISA ayaa sheegtay Ciidamada ammaanka inay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Kadib hawlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab.
Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sidaasi lagu sheegay.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo galiyay barta Twitter-ka.

NISA ayaa habeen hore sheegtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab in laga soo qabtay Degmada Shibis, kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay sameeyeen.

Muddooyinkii dambe Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegaysay in la soo qabtay shaqsiyaad Shabaab ka tirsan oo Ciidamada ammaanka ay hawlgal ku soo qabteen