Xarunta Daaweynta iyo Qalliimada Isku-furanka oo Xariga laga jaray (Sawirro)

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka Haweenka(Fistula).

Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka badan 150 sariirood oo lagu daawaynaayo haweenka la il-daran Xanuunka Isku-furanka (Fistula).

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaliya ayaa hirey u fulisay olole qaliin loogu sameeyey in kabadan 800 oo bukaaan, Qaliimadaas ayaa ka dhacay Isbitaalka Guud ee Dayniile.

Wasaaradda Cafimaadka Soomaliya waxay u mahad celinaysaa Hey’adda Physicians Across Continents (PAC) oo qeyb weyn ka qaadatay daawaynta iyo qaliimada xanuunka Isku-furanka haweenka Soomaaliyeed.