Sarkaal Alshabaab ah oo lagu qabtay Muqdisho

Wararka Maanta

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu shaaciya in gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacnata ku dhigeen xubin Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaatka,isla markaana ku sugnaa Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Eedeysanahaan uu ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa,kaasi oo lagu tugmayo inuu ka dambeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay.

NISA mashaacin Magaca shaqsiga ay soo qabteen ee Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaatka,isla markaana ku sugnaa Demada Shibis ee Gobolka Banaadir.
https://twitter.com/HSNQ_NISA/status/1120768490791632896?s=19