Wararkii ugu dambeeyey Shirka Garoowe

Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada ee ka socda Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland ayaa galay maalintiisii saddexaad, Madaxda ayaa isku mari la’ qaar ka mid ah qodobada ajendaha shirka. Qodobada ajendaha shirka Dib u soo celinta Madashii hoggaamiyaasha Xal u helidda Khilaafka Xaaf iyo Dowladda Dhexe Dib u eegis […]

Continue Reading

Puntland oo Qaadacday guddiga Arimaha Xajka DFS

Cawil Sheikh Xaamud Maxamed Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta maamulka Puntland,  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa ka soo horjeestay guddi qaabilsan, kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan, oo ay dhowaan magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Xaamud ayaa sheegay in Puntland […]

Continue Reading

Wafdi Masaari ah oo booqday Somaliland

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Masar iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa, maalin kaddib markii uu booqday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiiisa ku qaabiley wafdiga uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar Mr. Xamdi Sanad Luza. Kulanka labada dhinac ay yeesheen ayaa looga hadlay arrimaha ganacsiga, xoolaha […]

Continue Reading

Maamulka Puntland oo MD Farmaajo oo ka joojiyey Kulan Dadweyne

Maamulka Puntland ayaa joojiyey kulan uu  madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeelan lahaa dadweynaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Kulankan oo sida boorkiisa ku xusan  ay soo qaban-qaabisay, xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe, waxa uuna ka dhici lahaa Hotelka Grand, kulankan ayaa ku saabsanaa, hannaanka  doorashooyinka dalku wajahayo […]

Continue Reading

Dowladda Oo Su’aalo Adag weydiinaysa Shaqaalaheeda

Hay’adaha Amniga Somalia ayaa bilaabay inay baaris ku sameeyaan shaqaalaha rayidka ah ee DF, baaritaannada oo la sheegay inay salka ku hayaan shaqsiyadda qofka sida xogtiisa. Baaritaankan ayaa bilaawday maalintii Axadda ahayd, iyadoo lagu bilaabay shaqaalaha wasaaradda shaqada shaqaalaha, waxaana qaarka mid ah ay u sheegeen warbaahinta in la weydiiyay su’aalo adag. “Qof kasta oo […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey geerida Amb. Kiimiko

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu […]

Continue Reading

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Bari

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn la beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Maamulka Puntland. Diyaarado dagaal oo laga leeyahay Mareykanka ayaa la sheegay inay duqeeyeen qeybo ka mid ah Buuraha Isha Gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada […]

Continue Reading

Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Askari

Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Booliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya. Maarso Tobankeedii   Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriya xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac […]

Continue Reading

Akhriso: Sharciga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka

Codsi ka yimid qaar ka mid akhristayaasha ceelhuur.com ayaa idinkugu soo bandhigeynaa nuqul dhameystiran hindise sharciyeedka Doorashooyinka. Qodobo ka mid ah Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa ka biyo diiday Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka. Hadaba halkaan kala dag nuqulka hindise sharciyeedkan, Share-garee oo la wadaag saaxiibadaa si ay u akhristaan. Sharciga Doorashooyinka – Nuqulka la ansixiyay-1

Continue Reading

Alshabaab oo dagaal ku qaaday Ciidamada Kenya

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya ee  ku yaalla inta […]

Continue Reading