Puntland oo Qaadacday guddiga Arimaha Xajka DFS

Wararka Maanta

Cawil Sheikh Xaamud Maxamed Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta maamulka Puntland,  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa ka soo horjeestay guddi qaabilsan, kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan, oo ay dhowaan magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in Puntland ay si cad uga horjeeddo, guddiga ay magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ee loo xilsaaray, kala xulista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada Xajka ee sannadkan, maadaama sida uu sheegay aan guddigaasi lagala tashan Puntland.

Sidoo kale, mudane Xaamud ayaa  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay maroorsatay qoonadii Puntland ka heshay  11500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo xujeey ah, kuwaasi oo Sacuudigu u xadidday in ay  Sannadkan ka soo xajiyaan gudaha Soomaaliya.

Waxaannu dareemaynaa, in wax badan oo isdaba-maris ah ay jiraaniin, wax badan oo daacadnimaa in ay meeshii ka maqantahay, ballantu sidii ay ahayd in wasaaraddu oga soo baxdo ayaan rabnaa oo ay nagu soo wareejiso, wasaaradda Caddaalada ee Dowladda Puntland ay ku soo wareejiso, si iyadu markaa arrimihii Xajka iyo Shu’uunteeda ay u qunto” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii aan Puntland loo soo wareejin qoondadeeda, ay ka soo baxayso  in xukuumadda Federaalka aysan dhab ka ahayn, in ay wada-shaqeyn la yeelato dowlad goboleedyada dalka, waxaana uu dalbaday in si deg deg ah Puntland loogu soo wareejiyo qoondadaasi.