Maamulka Puntland oo MD Farmaajo oo ka joojiyey Kulan Dadweyne

Wararka Maanta

Maamulka Puntland ayaa joojiyey kulan uu  madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeelan lahaa dadweynaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulankan oo sida boorkiisa ku xusan  ay soo qaban-qaabisay, xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe, waxa uuna ka dhici lahaa Hotelka Grand, kulankan ayaa ku saabsanaa, hannaanka  doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah.

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi uu qorshe hoose ka watay, balse ay ka sii war heleen maamulka Puntland, islamarkaana ka joojisay.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xafiiska madaxweyne Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi, uu doonayay in uu ku soo bandhigo ismuujin siyaasadeed iyo taageerayaal la soo abaabulay, kuwaasi oo aad ugu sacabbiya madaxweynaha, si weji-gabax loogu rido xukuumadda Puntland,xilli aan weli laga heshiin khilaafka labada dhinac.

Sidoo kale 5 bishan oo aheyd maalintii uu Madaxweyne Farmaajo gaaray magaalada Garoowe ayaanan jirin dad weyne soo dhaweeyey marka laga reebo dhowr qofood oo ay sii diyaariyeen Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo loo ekeysiiyey dadweyne u soo banaanbaxay Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa lagu xasuustaan xilligii uu ka qeybgalayey caleemasaarka Saciid Deni inuu ka gudbay kumanaan shacab ah oo tubnaa barxadda Garoowe, arintaas oo ay ka xumaadeen.

Dhanka kale Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa isticmaalaya farsamo ka duwan tan Madaxweynaha, isagoo booqashooyin kedis ah ku tagaya goobaha shacabku ku badan yihiin, isagoo si toos ah ula falgalaya shacabka.