Dilka darawalka Mooto Bajaajta ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada hodan ee gobolkan Banaadir, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyey askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wiilka dhalinyarada ah ee watay Mooto Bajaajta iyo askariga ayaa wada murmay sida wararka sheegayaan, waxaana intaasi kadib xigtay in Askariga uu xabad ku dhufto wiilkii watay Mooto Bajaajta.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Darawalka Bajaajlaha, waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday.
Dhalinyaro ka agdhaweyd goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen maydka Bajaajlaha.
Dilka Wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa noqday tusbax xarigga laga furay, waxaana Askarta Dowladda caadeysteen dilka dhalinyaradan. Waa dhibaato mug leh oo soo foodsaartay Dhaljnyarada Muqdisho.