Alshabaab gudaha u galay magaalada Camaara

Wararka naga soo gaaraya magaalada Camaara ee koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhow gudaha magaalada usoo galeen ciidamada ururka Alshabaab. Ciidamadan ayaa wata gaadiid dagaal, waxa ayna gudaha magaalada ka xirxireen dad rayid ah, shacabka ayaa ku sugan guryahooda, iyadoo qaarkood magaalada ka baxeen inta Alshabaab soo galin magaalada. Alshabaab ayaa shalay kasoo ruqaansaday […]

Continue Reading

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Nabadoon Cabdi Cumar ibraahim oo katirsanaa nabadoonada beeshs Tunni ayaa xalay lagu dilay degmada xamar jajab gobolka Benaadir, waxaana goobta ka baxsaday ragii falkaan geystay. Allaha u naxariist ee nabadoonka ayaa ka mid ah odayaashii ka qeybgalay doorshadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka koofur galbeed. Magaalada Muqdisho ayaa noqotay kawaanka […]

Continue Reading

Yaa Ka Dambeeya Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheysan ee Soomaaliya Ka Socda?

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa intii ku dhimatay qaraxii weynaa ee shalay, February 19, 2017,  ka dhacay Muqdisho.  Intii dhimatay Ilaahey ha u naxriisto.  Intii dhaawacantay Ilaahey ha dhayo. Shareecada Islaamka way xarimtay in qof dhiigiisa la baneysto oo xaq daro lugu dilo.  Ilaahey wuxuu quraanka ku yiray, suuradda Nisaa, Aayadda 93aad: ” وَمَن […]

Continue Reading

Akhriso: Liiska Magacyada Wasiiradda cusub ee maamulka Hirshabeelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray liiska magacyada xubnaha ka midka noqonaya Golihiisa Wasiirada. Madaxweynaha Hirshabelle oo Axadii dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu magacaabay 23 Wasiir, 23 Wasiiro Ku Xigeeno iyo 6 Wasiiru Dowlayaal ah. Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabelle, C/qaadir Cabdulle Xooshow, ayaa Saxaafadda u akhriyay […]

Continue Reading

Sawirro: Ururka dhalinyarada Galmudug oo deeq gaarsiiyey dadka abaartu saameysay

Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku dhufutay abaar daran, waxaana inta badan gacanta ka baxay xoolihii ay dhaqanayeen reer  miyigu, tani waxa ay sababtay in dad badan u guuraan dhanka tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn. Gurmadka abaaraha ayaa waxaa ka qeyb qaatay qeybaha bulshada, maanta ayaa ururka dhalinyarada Galmudug waxa uu deeq raashin ah gaarsiiyey […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug oo safar caafimaad ku aaday dalka Hindiya

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa safar aan la shaacin ku aaday dalka Hindiya, Safarka Madaxweynaha ayaa ah arimo caafimaad, Waxaana bishii Luulyo ee sanadkii hore qaliin dhanka wadnaha loogu sameeyey dalka Hindiya, waxaana xiligaas balantu aheyd inuu 6 bil ka dib dhaqtarkiisa ku laabto, […]

Continue Reading

Alshabaab oo Dhaqdhaqaaq xooggan ka wada koofurta Mudug

Wararka naga soo gaaraya koofurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada Ceel cabdi iyo Saddex geed xarar oo hoosta taga degmada Xarardheere, ayaa sheegaya in ay halkaas dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan ururka Alshabaab, ciidamadan oo aad u badan ayaa wata gaadiid isugu jira waaweyn iyo yar yar. ciidamadan ayaa goordhow jaray wadada isku xirta Magaalooyinka Ceelhuur […]

Continue Reading

Milkiilaha Taleefishinka Universal oo Hargeysa lagu xiray

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xiray Milkiilaha Taleefishinka  Universal Inj Axmed Abuubakar. Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa la sheegay in shalay Gelinkii dambe ay guri uu ka deganaa Magaalada Hargeysa ay ka ka xaysteen , islamarkaan ay xabsiga dhigeen. Ilaa iyo hadda Ma […]

Continue Reading

Dilal qorsheysan oo xalay Muqdisho ka dhacay

Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay xalay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda , waxaana geystay Kooxo hubaysan oo Bistoolado ku hubeysnaa. Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu dilay Xaafada Dabakaayo madoow ee Degmada Dharkiinley, waxaana dilkaasi geystay dableey hubaysan. Askariga la dilay, ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Sheekeeye, iyadoo dableydii dilka geysatay ay […]

Continue Reading